Boqor Cabdala: Nabada Bariga Dhexe waxay ku imaan kartaa Falastiin oo loo aqoonsado wadan Madaxbanaan

0
520

Boqor Cabdala: Nabada Bariga Dhexe waxay ku imaan kartaa Falastiin oo loo aqoonsado wadan Madaxbanaan

Boqorka Jordan King Abdullah ayaa u sheegay la taliyaha dhanka siyaasada ee madaxweyne Donald Trump Jared Kushner, in nabad waarta ay ka dhici karto bariga Dhexe marka ay imaado in dalka Falastiin loo aqoonsado wadan Madax banaan.

Mr Cabdala ayaa dhanka kale sheegay in loo baahan in loo baahan yahay in Israel ay soo celiso dhulka ay ku qabsatay dagaalkii carabta ay la gashay sanadkii 1967-dii.

War saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada Jordan ayaa dhanka kale walaac looga muujiyay qorshaha sirta ah oo Mareykanku doonayo in uu ku dhameeyo colaada u dhaxeysa carabta iyo Israel.

Kushner ayaa lagu yiri Israel waa in ay ka baxdaa dhamaan dhulka ay kaga sugan tahay daanta Galbeed oo ay xooga kula wareegtay dagaalkii 1967-dii.

Maamulka Trump ayaa ka meermeeraya in uu Falastiin u aqoonsado dal madax banaan iyadoo safaarada Mareykanka ee Israel sanadkii hore uu u soo raray magaalada Jerusalam oo uu Israel u aqoonsatay caasimada Israel.

Wafdiga Kushner uu hogaaminayo ayaa wada olole lagu taageerayo shirka la filayo in uu ka dhaco magaalada Manama sanadkaan kaasi oo diirada lagu saari doono nabad waarta oo dhexmarta labada Wadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here