Booliiska Maraykanka oo xiray Haween Soomaali ah oo loo haysto Khiyaano Maaliyadeed
Booliiska Maraykanka ayaa howlgal uu ka sameeyay Gobolka Minnesota waxa uu ku xiray Haween Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay qayb ka ahaayeen Kiiska muddo dheer taagan ee lacag lunsashada oo Dad badan horay loogu xiray.
Haweenkaan waxaa lagu magacaa Shamso Axmed iyo Xannaan Mursal Yuusuf oo ku eedeysan lacag qaddarkeedu dhan yahay $21 Milyan oo doollar taasi oo loogu talagalay Adeegyada Caafimaadka gaar ahaan kuwa qaba Autism-ka.
Sida uu wariyay Teleefishinka CBS, howlgalkaan ayaa qayb ka ah qabqabashada Rag iyo Dumar Soomaali ay qayb ka tahay oo lagu eedeeyay in ay si leexsan u adeegsadeen lacago loogu talagalay in loogu adeeggo Dad u baahan in la gacan qabto.
Shamso waxa ay kamid tahay dhowr qof oo shuraako ku ah Xarumaha Smart Therapy Center iyo Star Autism Center waxaana loo haystaa in ay Barnaamij Caafimaad ka dalbatay lacag ay adeeggaas ku bixinayso waa intii u dhaxaysay May 2020 ilaa December 2024.
Waxaa lagu eedeeyay in lacagtaas ay ku iibsatay Hanti ma guurto ah oo gudaha Maraykanka ah iyo mid ay u dirtay Dalkaas Dibaddiisa inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin Dalalkaas halka ay ku yaaallaan & in ay Soomaaliya kamid tahay.
Dabagalka lacagaha la leexsaday ee Dowladda Maraykanka ka waddo Gobolka Minnesota waxaa lagu xiray Dad u badan kuwo si gaar ah gacanta ugu hayay goobaha loogu adeeggo Bulshada halka qaar kale weli lagu raadjoogo sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.























