Booliiska Jarmalka oo weeraray Xaflad dhaqameed ay dhiganayeen Bulshada kasoo jeeda Eretareeya.
Booliiska Dalka Jarmalka ayaa weeraray goob ay ka socotay xaflad dhaqameed ay dhiganayeen Bulshada kasoo jeeda Dalka Eretareeya ee ku nool Dalkaas waxa ay si gaar ah xafladdu uga dhaceysay bartamaha Magaalada Giessen.
Sababta Booliisku uu u weeraray goobta ayaa lagu sheegay in ay jiraan Dad ka carooday tallaabadaas ay sameeyeen Dadkaan dhashay Eretareeya kuna tilmaameen in lagu buunbuuniyayay Xukunka Madaxweyne Efwarki.
Booliiska oo war kasoo saaray arrintaan ayaa ku tilmaamay mid kahor imaaneysa degenaashiyaha iyo xasiloonida Magaalada Giessen oo haddii aan laga hortagin isku dhacdo halkaas ka billaaban lahaayeen.
Ciidamada Booliiska ayaa xiray ku dhowaad 100 qof waxaana ku socda su’aalo weydiin ku saabsan xiriirka xafladda iyo madaxda talada Dalka Eretareeya heysa si loo caddeeyo doodaha la la falgalaya in buunbuunin goobta lagu sameynayay.
Booliiska Dalka Jarmalka ayaa xadiday xogta Dadkaan xiran, faah-faahinta laga helayo su’aalo weydiinta lagu sameeyay iyo haddii loo gudbinayo Maxkamadda awoodda u leh in ay qaaddo kiiskooda.