Biden oo Qaaradda Yurub ka raadinaya Isbaheysi lagu jebiyo Ruushka.

0
204

Biden oo Qaaradda Yurub ka raadinaya Isbaheysi lagu jebiyo Ruushka.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan Dowladda Ingiriiska iyo dalal kale oo kasoo horjeeda dhanka Ruushka ayaa u bandhigay sidii ay kaalin firfircoon uga qaadan lahaayeen kahortagga halista Moscow.

Biden ayaa sheegay in Ruushka uu jab weyn ku gaaray dagaalka Ukraine keliya waxa laga cabsanayo ay tahay in uu adeegsado hubka halista badan gelin kara dunida loona baahan yahay in si wadajir ah looga hortago.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa madaxda Ingiriiska kula dardaarmay in ay kordhiyaan kaalmada hagar la’aan ee Ukraine si ciidamada dalkaas ay awood ugu sii yeeshaan kahortagga Ruushka.

Joe Biden ayaa Jamhuuriyadda Lithuania waxa uu berri uga qaybgalayaa shir gaar ah oo Madaxda waddamada ku bahoobay Isbaheysiga NATO si madaxdaan ay diiradda u saaraan mustaqbalka qaaradda yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here