Australia oo dhaqaale xumo darteed qaabileysa Ajaanibta lacagta kusoo kordhin karta Dalkaas.
Dowladda Australia ayaa war ay soosaartay ku sheegtay in si xadidan ay u qaadeyso xayiraadda ay saartay in soogalooti (Ajaanib) dalkaas u tagaan sidii ay ugu shaqeysan lahaayeen si ay dhaqaale ugu helaan ehelkooda oo duruufo adag ku wajahaya waddamadooda.
Sababta go’aankaan ay u qaadatay Dowladda waxa ay ku sheegtay in loo baahday shaqaale ka shaqeyn kara shirkadaha dalkaas si ay u kordhiyaan dakhliga gudaha oo yaraaday wixii ka dambeeyay xayiraadda Covid-19.
Australia ayaa sheegtay in Dadkaan ay qaadaneyso ay siineyso degenaashiyo rasmi ah oo ay ku noqon karaan muwaadiniin heysta dhalashada labaad waa haddii ay kusoo baxaan xulashada dadkaan dalbanaya in la aqbalo.
Tirade Dadka ay qaadaneyso Dowladda Australia waa 195,000 (Boqol, sagaashan & shan kun) oo ruux oo ah dad ka badan Shaqaalaha u diiwaangashan Dowladda oo tiro ahaan gaaraya 35,000 (Soddon & shan kun) oo qof.
Dowladda waxaa saaran culeys ka dhashay shaqo la’aanta iyo dhaqaale xumada ka jirta dalkaas waana tan keentay in ay jebiso gidaarkii adkaa ee ay ku xakameeneysay soogalootiga ama dadka u badan ajaanibta ee dhaqaalaha la tagin dalkaas.
Waddamada fursadaha u helaya in muwaadiniintooda u shaqo tagaan Australia waxa ay Dowladdu ku sheegtay bayaankeeda in ay kala yihiin: Shiinaha, Hindiya & Boqortooyada Ingiriiska oo markii hore shaqaale badan geeyay Dalkaas.