“200,000 Fuusto oo shidaal ah ayaa todobaad weliba laga xadaa Nigeria”. Mele Kyari:

0
403

“200,000 Fuusto oo shidaal ah ayaa todobaad weliba laga xadaa Nigeria”. Mele Kyari:

Dalka Nigeria ayaa dhibaato xooggan ku qaba xatooyada shidaalka oo muddo ka jirta Dalkaas kaddib markii Agaasimaha Maamulka ee Shirkadda Shidaalka waddaan Mele Kyari uu sheegay in todobaad weliba la xado 200,000 (Labo boqol oo kun) oo fuusto oo shidaal ah.

Agaasimaha maamulka Shirkadda Shidaalka Nigeria oo daboolka ka qaaday sheekadaan daahsoon ayaa sheegay in shidaalkaas markii la xado la geeyo Masaajidda & Kaniisadaha si loogu qariyo sida uu hadalka u dhigay.

Mele Kyari ayaa tilmaamay in dhuumaha shidaalka qaada mid kamid ah oo dhirirkeedu yahay 200 KM in la dalooliyay ilaa 295 meelood si shidaal looga xado, arrintaas ayuu sheegay in ay ku ogaadeen dabagal ay sameeyeen.

Kooxo abaabulan balse magacyadooda, tiradooda & cidda ay gacansaar la leeyihiin uusan sheegin ayuu ku eedeeyay in ay xatooyada shidaalka ay ku sameeyaan maalin weliba oo isu geyn todobaadkii fuustooyin badan u noqda.

“200,000 (Labo boqol oo kun) Fuusto oo shidaal ah ayaa todobaad weliba laga xadaa Nigeria, waxa ay dalooliyeen dhuumaha shidaalka qaada si ay u sameeyaan xatooyo oo celcelis todobaadkii fuustooyinkaas ka hela” Mele Kyari.

Waxaa eedeynta ah in Masaajidda & kaniisadaha lagu keydiyo shidaalka laga xaday Dowladda Nigeria iska fogeeyay maamullada labada rug iyaga oo hadalkaas ku tilmaamay mid la iska dhahay oo aan xaqiiqadiisu aanay jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here