Wednesday, September 23, 2026
Home WARAR Kenya oo wajahaysa qiima kororka Gaaska wax lagu karsado

Kenya oo wajahaysa qiima kororka Gaaska wax lagu karsado

0
57

Kenya oo wajahaysa qiima kororka Gaaska wax lagu karsado

Kenya ayaa bisha October ee maalmaha kooban naga xigto waxa ay wajihi doontaa qiima koror Gaaska wax lagu karsado kaddib markii lacago lagu daro maadooyinka la isku daro ee lagu sameeyo Gaaskaas sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

Goobaha Ganacsiga ee Kenya waxaa ka billowday diyaargarow xooggan oo la xiriirta kaydinta Gaaskaas maadaama qiimaha hadda la kala iibsado kor uga kici doonno maalmo kaddib taasi oo culays badan ku noqon doonta Dadka isticmaalla.

Shirkadda Saudi Aramco ayaa war ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in lacag ay ku darayso qiimaha gaaska wax lagu karsado kaddib markii ay saamayn taban ku reebeen dagaalladii ka dhacay Bariga Dhexe sida ay hadalka u dhigtay.

Suuqyada kala duwan ee Bariga Dhexe ayaa isbaddel xooggan oo dhinaca qiimaha Gaaska iyo maadooyinka laga dhaliyo laga dareemayaa waana tan keentay in digniin laga sii bixiyo Dalalka qaar halka kuwo kale ay si kedis ah isbaddelkaas ula kulmeen.

Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo horraantii bishaan lacag badan lagu kala iibsanayay Gaaska iyada oo loo sababeeyay in uu gaasku go’ay isla markaana aanay imaan Gaaskii la sugayay in uu kasoo dego Marsada weyn ee Xamar.

Arrintaan ayaa dhallin karta in qiimaha hadda la kala iibsado uu kasii kordho Gaaska Magaalada Muqdisho maadaama culayskaan soo kordhay oo aan jirin lacag badan la kala siinayay waana caqabad kale oo culays kusii noqon karta qoysaska isticmaalla.