Dab ka kacay Aroos ka dhacay DR Congo oo sababay geerida 22 qof
Dab ka kacay Xaflad Aroos oo ka dhacday Magaalada Kinshasha ee Caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congto ayaa sababay geerida 22 ruux sida ay ku warrameen kooxaha gurmadka degdega ah oo goobta gaaray.
Si dhab ah looma sheegin sababta dabka keentay iyo waxa dhaliyay in baaxaddiisa ay si degdeg ah u faafto ilaa ay galaafatay nolosha dadkaas oo dhammaantood ah kuwo ka qaybgalayay xafladda Arooska ah sida xogta lagu muujiyay.
Muuqaallo laga soo duubay goobta waxaa ka muuqday dab xooggan oo isaga kala gudbay Dhismaha Xafladda Arooska ah ka socotay waxaana xigay buuq iyo is dhinac socod dadkii goobtaas joogay ka dhex dhashay.
Isbuurasho xooggan ayaa dadka dhex dhacday maadaama albaabka laga galayay goobta Xafladdu ka socotay uu aad u yaraa isla markaana dadka joogta ay aad u badnaayeen sida xogaha hordhaca ah ee la helayo ay sheegayaan.
Dowladda Hoose ee Kinshasa ayaa sheegtay in ay baarayso dhacdadaan oo hadal hayn xooggan dhalisay, inkasta oo Caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ku badan yihiin Kiisaska Dabka oo weli xal waara loo heli la’ yahay.
























