Thursday, September 3, 2026
Home WARAR Qiimaha Dahabka oo hoos u dhacay 2%

Qiimaha Dahabka oo hoos u dhacay 2%

0
27

Qiimaha Dahabka oo hoos u dhacay 2%

Suuqyada Caalamka ee lagu iibiyo Dahabka ayaa hoos u dhac laga dareemaya iyada oo 2% uu hoos u dhacay qiimihii hore loo iibin jiray sababo la xiriira Canshuurta xad dhaafka ah ee Maraykanka uu dulsaaray sida xogaha la helayo ay muujinayaan.

Waxaa suuragal ah in qiimaha uu intaas kasii kordho maadaama lacagahaas dulsaarka ah ay caqabad ku yihiin, khubarrada dhinaca dhaqaalaha ayaa ka digay in arrintaan ay qiima beel ku ridi doonto dahabka waa haddii aan xal loo helin.

Dhinaca kale waxaa sare u kacay qiimaha Qalinka oo waxa uu hoos u dhacay u dhacay 2.8% si lamid ah canshuurahaas la kordhiyay ayaa dhibaato ku noqday, waxaa jira fursado kale oo dabaqabad u noqon kara hoos u dhacaas.

Maamulka Donald Trump ayaa canshuur xad dhaaf ah dul dhigay Dalal badan oo Caalamka oo Ganacsi wadaag yihiin, waxaa arrintaasi ka dhashay qiima koror iyo hoos u dhac ku yimid lacagta Dalkaas iyo badeecadaha ka dhaxeeya.