Home WARAR Malaysia oo xirtay in ka badan 100 qof oo kasoo jeeda Bulshada...

Malaysia oo xirtay in ka badan 100 qof oo kasoo jeeda Bulshada Rohingaha

0
29
Rohingya refugees inside a truck as they are taken by police, in front of the office of the U.N. Refugee Agency, after being evicted from their homes, at Kuala Lumpur Malaysia July 27, 2026. REUTERS/Hasnoor Hussain

Malaysia oo xirtay in ka badan 100 qof oo kasoo jeeda Bulshada Rohingaha

Booliiska Malaysia oo sameeyay howlgallo ka dhan ah Bulshada Rohingaha waxa uu xiray in ka badan 100 qof iyada oo arrintaasi ay dhalisay falcelin xooggan maadaama dadkaan si qasab ah dhulkooda looga soo barakaciyay.

Dadkaan ayaa isku dayay in ay kaalmo bani aadamnimo waydiistaan Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR iyaga oo si gaar ah u raadsanayaan deegaan ay saldhigtaan mar haddii dhulkoodii laga soo sal-kiciyay.

Muslimiinta Rohingaha waxaa xuquuqdooda diiday Myanmar waana tan qasabtay in ay u baxsadaan dalalka u dhow oo ay gaari karaan si ay naftooda uga baxsadaan tacadiyada dhowrka jeer horay loogu gaystay sida ay wararku sheegayaan.

Dadka Rohingaha ah ayaa ka takooran bulshada kale, waxaa laga hor istaagay in ay xuquuq ku yeeshaan Waxbarashada, Adeegyada Caafimaadka, Xorriyadda Hadalka, Helista xuquuqaadka Muwaadinka iyo weerarro Militari oo lagu dilay kumannaan qof, laguna barakiciyay Dad badan.

Dadkaan waxa ay u kala firxadeen Dalalka Malaysia, Bangladesh, Indonesia & Thailand si ay naftooda u badbaadistaan isla markaana xuquuq waxbarasho, Caafimaad iyo waxyaabaha kale ay u baahan yihiin ugu helaan carruurtooda.