Home WARAR Xiriirka Kubadda Cagta ee Kuwait oo si rasmi ah u casuumay Garoose...

Xiriirka Kubadda Cagta ee Kuwait oo si rasmi ah u casuumay Garoose Cumar Cartan

0
56

Xiriirka Kubadda Cagta ee Kuwait oo si rasmi ah u casuumay Garoose Cumar Cartan

Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Kuwait ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in garsooraha caalamiga ah ee u dhashay dalka Soomaaliya, Cumar Cabdiqaadir Cartan, loo xushay inuu dhex-dhexaadiyo ciyaarta ugu dambaysa ee horyaalka dalkaas ee Kuwait Zain Premier League.

War-saxaafadeed ka soo baxay xiriirka ayaa lagu xaqiijiyay in Garsoore Cartan uu dhex-dhexaadin doono kulanka final-ka ah oo dhici doona 29-ka bishan June, taasi oo dhexmari doonta Kooxaha Kuwait SC and Qadsia SC.

Casuumaaddan gaarka ah ayaa timid ka dib markii xiriirka Kuwait uu aqoonsaday khibradda iyo kartida garsoorka ee Cumar Cartan, isagoo noqonaya garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed oo heerkan oo kale laga martiqaado dalka Kuwait.

Si kastaba ha ahaatee, tillaabadan ay qaaday dowladda Kuwait iyo xiriirkooda kubadda cagta ayaa loo arkaa mid kor u qaadaysa sumcadda garsoorka Soomaaliya, iyadoo dunida tuseysa in garsoore Cartan uu yahay mid ka mid ah garsoorayaasha ugu tayada sarreeya qaaradda Afrika iyo dunidaba.