Home WARAR Kenya oo magdhow lacageed siinaysa Dad dhibaato kasoo gaartay dibadbaxyo ka dhacay...

Kenya oo magdhow lacageed siinaysa Dad dhibaato kasoo gaartay dibadbaxyo ka dhacay Dalkaas

0
69

Kenya oo magdhow lacageed siinaysa Dad dhibaato kasoo gaartay dibadbaxyo ka dhacay Dalkaas

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay lacag magdhow ah oo gaaraysa $15 Milyan oo doollar siin doonto todobaadka soo socda 2,000 oo qof oo dhibbane u ah xadgudub Sharci oo dhacay intii ay socdeen dibadbaxyadii ka dhacay Dalkaas.

Dadkaan waxaa qaarkood dhibaateeyay ciidamada kahortagga rabshada kuwaas oo jirdil iyo rasaas u adeegsaday si ay u kala eryaan, waxaana Dowladda lagu soo rogay dacwad ka dhan ah dhibbanayaasha waana tan ku qasbaysa bixinta magdhowga.

Guddi loo xilsaaray arrintaan ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa qiimaynta dhibaatadu inta ay gaarsiisan tahay waxaana uu diiwaangeliyay kiisas badan oo laga soo dhex xulay Dadka magdhowga la siin doonno sida hadalka loo dhigay.

Wakaaladda Wararka AP ayaa sheegtay in dhibaatooyin badan ay gaysteen ciidamada ammaanka iyo kuwa kahortagga rabshada ee Kenya, waxaana jira Dad dhaawacmay iyo kuwo hantidooda waxyeello soo gaartay.