Home WARAR IGAD & Midowga Yurub oo soo dhaweeyay in Cumar Cartan uu garsoore...

IGAD & Midowga Yurub oo soo dhaweeyay in Cumar Cartan uu garsoore kulanka Uefa Super Cup

0
59

IGAD & Midowga Yurub oo soo dhaweeyay in Cumar Cartan uu garsoore kulanka Uefa Super Cup

War kasoo kala baxay Urur Goboleedka IGAD iyo Ururka Midowga Yurub ayaa si wadajir ah loogu soo dhaweeyay go’aankii xiriirka Kubadda Cagta EUFA ay Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ugu dhiibeen kulanka Eufa Super Cup ee dhacaya August 2026.

Wax laga xumaado ayay ku tilmaameen dhacdadii qabsatay Garsoore Cumar Cartan ee Dowlada Maraykanka uga hor istaagtay ka qaybgalka Koobka Adduunka 2026 ee shalay sida rasmiga ah looga daahfuray Dalka Mexico.

IGAD & EU ayaa Garsoore Cumar waxa ay ku dhiirrageliyeen in uu sii wado xoojinta xirfaddiisa iyaga oo ku amaanay sida wanaagsan uu uga falceliyay caqabadda qabsatay, waxaana ay u muujiyeen garab istaag sida hadalka loo dhigay.