Home WARAR Xulka Qaranka Ingiriiska oo qalab looga xaday Maraykanka!

Xulka Qaranka Ingiriiska oo qalab looga xaday Maraykanka!

0
61

Xulka Qaranka Ingiriiska oo qalab looga xaday Maraykanka!

Xulka Qaranka Ingiriiska ee qayb galaya Koobka Adduunka 2026 kuna sugan Dalka Maraykanka ayaa la sheegay in laga xaday qalab ay ku tababaranayeen iyo qaar kamid ah Kabaha ciyaartoyda Xulka saddexda Libaax.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa bannaanka soo dhigtay Sheekadaan iyada oo sheegtay in ilaa haatan baaris lagu hayo waxyaabaha maqan ee sida hordhaca ah xogtooda loosoo gudbiyay maadaama suuragal ay tahay in waxyaabo kale ay maqnaan karaan.

Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska ee loosoo gaabiyo FA ayaa sheegay in uu baarayo arrintaan oo fadeexo ku noqonaysa Dalka Maraykanka oo kamid ah Dalalka sannadkaan martigeliyay Koobka Adduunka 2026

Afhayeen u hadlay Booliiska Magaalada Kansas City ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdadaan oo ceeb ku ah Dalkiisa, waxaana uu tilmaamay in dabagal lagu samayn doonno dadkii ka dambeeyay falkaas tuugonimada ah ee xulka Ingiriiska lagula kacay.

Koobka Adduunka 2026 waxaa laga diiwaangeliyay dhacdooyin foolxun sida Ciyaartoy, Suxufiyiin, Taageerayaal iyo Garsoore dib looga celiyay Dalkaas, lacag badan oo lagu soo rogay daawadayaasha ciyaaraha, baaris bahdil ah oo xulalka qaar loo gaystay iyo dhaca hadda soo kordhay.