Home WARAR ONLF oo ku dhawaaqday isbahaysi cusub oo lagu xoojinayo aayo-ka-tashiga shacabka Soomaaliyeed...

ONLF oo ku dhawaaqday isbahaysi cusub oo lagu xoojinayo aayo-ka-tashiga shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Itoobiya

0
141

ONLF oo ku dhawaaqday isbahaysi cusub oo lagu xoojinayo aayo-ka-tashiga shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Itoobiya

Ururka Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa ku dhawaaqay samaynta isbahaysi siyaasadeed cusub oo ay ugu magac dareen Isbahaysiga Shacabka Soomaaliyeed ee Aayo-ka-tashiga (SPAS), kaas oo ay sheegeen inuu u taagan yahay mideynta dadaallada siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo kuwa bulshada ee shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Itoobiya.

 

Bayaan dheer oo ay si wadajir ah u soo saareen ONLF, Congress for Somali Cause (CSC) iyo Somali Regional Democratic Alliance (SRDA), laguna faafiyay magaalada Jigjiga, ayaa lagu sheegay in isbahaysigan cusub uu yahay mid looga golleeyahay “in lagu xoojiyo codka siyaasadeed, sharafta iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed”.

 

Ururradan ayaa mar kale ku celiyay doodda ah in ku biirinta dhulalka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay ahayd mid taariikh ahaan ku timid “iyadoo aan raalli ka ahayn shacabka Soomaaliyeed”, iyagoo ku eedeeyay dowladihii kala dambeeyay ee Itoobiya inay ku dhaqmeen takoor, cabburin siyaasadeed iyo ku tumasho xuquuqda aasaasiga ah.

 

Bayaanka ayaa sidoo kale dib u milicsaday heshiiskii nabadeed ee 2018, bilowgii xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, markaas oo ONLF ay hubka dhigtay, kuna biirtay hannaanka nabadeed. Hase yeeshee, ururku wuxuu sheegay in rajadii laga qabay nabaddaas ay noqotay “mid madhan”, isla markaana ay sii socdeen eedeymo la xiriira barakicin, la wareegid dhulal iyo cadaadis siyaasadeed.

 

“Cutubkii is-xakamaynta wuu dhammaaday,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo lagu eedeeyay xukuumadda Addis Ababa inay diidday wada-hadal, isla markaana ay qaaday tallaabooyin ay ururku ku tilmaameen kuwo “halis ku ah jiritaanka shacabka Soomaaliyeed”.