New Zealand oo Iskuullada qaar ka joojisay Basaska gaarka loo leeyahay & falcelin ka dhalatay tallaabadaas

0
56

New Zealand oo Iskuullada qaar ka joojisay Basaska gaarka loo leeyahay & falcelin ka dhalatay tallaabadaas

Falcelin xooggan ayaa ka dhalatay go’aan Dowladda New Zealand gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada ku gaartay in la joojiyo basaska Iskuullada qaar ee dalkaas, waalidiinta Ardaydooda wax ka barata Iskuulladaas ayaa walaac muujiyay.

Chris Blackford oo ahaa sarkaal iyo Xildhibaan hore ayaa kamid ah Dadka caanka ah ee Warbaahinta kasoo muuqday ee ka welwelsan mustaqbalka ubadka waxbarta ee laga joojiyay Basaskii gaarka ahaa ee goobaha Waxbarashada gaynayay.

Waxa uu daboolka ka qaaday welwelka ubadkaas haysta iyo kan waalidiinta isaga oo tusaale usoo qaatay toban Carruur oo uu awoowe u yahay oo dhigta Iskuullada amarkaan uu saamaynta taban ku reebay.