Iiraan oo toogatay 6 qof oo ay ku eedaysay in ay Israa’iil la shaqaynayeen

0
31

Iiraan oo toogatay 6 qof oo ay ku eedaysay in ay Israa’iil la shaqaynayeen

Dowladda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sabtida maanta ah fulisay xukun toogasho ah oo lagu riday 6 ruux oo ay ku eedeysay in ay la shaqaynayeen Israa’iil isla markaana ay faraha la galeen falal amniga liddi ku ah oo lagu qalqalgelinayay dadka degen xadka uu dalkaas la wadaago Ciraaq.

 

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay daqiiqado kaddib markii xukunkaas la fuliyay in Dadkaan ay qirteen la shaqaynta Israa’iil, waxaana falal ‘Argagixiso’ ka wadeen Gobolka Khuzestan ee dhaca Xadka Dalka Ciraaq sida hadalka loo dhigay.