𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐊𝐚 𝐉𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐝𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐞𝐫𝐛𝐞𝐫𝐚 𝐞𝐞 𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐞𝐥𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐒𝐋.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo weli ku gudo jira safarkiisii shaqo ee Gobolka Saaxil ayaa maanta rasmi ah xadhiga uga jaray Mashruuca cusub ee Biyo ballaadhinta magaalada Berbera, kaasi oo uu Madaxweynuhu dhagax dhigay bishii March, 2025-ka. Mashruucan waxa gebi ahaanba maalgelisay Dowladda Somaliland.
Munaasibadda xadhig-ka-jarka, Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda iyo mudnaanta uu Mashruuca Biyo Ballaadhintu u leeyahay nolosha bulshada reer Berbera. Waxa xusid mudan in Mashruuca Biyo ballaadhinta magaalada Berbera uu ka mid ahaa ballan qaadyadii Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad, ballan qaadkaasina bulshada ayaa markhaakhi ka ah in uu si dhammaystiran uu u fulay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in biyo ballaadhinta Berbera ayvwax weyn ka tari doonto baahiyaha adeega Biyaha Berbera ee sii kordhaya.
Masuuliyiinta Gobolka iyo Degmadda iyo Shacabka reer Berbera ayaa Mashruucan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu hagaajinayo nolosha bulshada.