๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐ ๐๐ ๐๐๐ซ๐๐ฒ ๐๐๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐๐ ๐๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ซ๐ ๐๐ ๐๐ฒ ๐๐๐๐ฅ๐ ๐๐ฅ๐ข๐ฌ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐๐.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo weli ku gudo jira safarkiisii shaqo ee Gobolka Saaxil ayaa maanta rasmi ah xadhiga uga jaray Mashruuca cusub ee Biyo ballaadhinta magaalada Berbera, kaasi oo uu Madaxweynuhu dhagax dhigay bishii March, 2025-ka. Mashruucan waxa gebi ahaanba maalgelisay Dowladda Somaliland.
Munaasibadda xadhig-ka-jarka, Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda iyo mudnaanta uu Mashruuca Biyo Ballaadhintu u leeyahay nolosha bulshada reer Berbera. Waxa xusid mudan in Mashruuca Biyo ballaadhinta magaalada Berbera uu ka mid ahaa ballan qaadyadii Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad, ballan qaadkaasina bulshada ayaa markhaakhi ka ah in uu si dhammaystiran uu u fulay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in biyo ballaadhinta Berbera ayvwax weyn ka tari doonto baahiyaha adeega Biyaha Berbera ee sii kordhaya.
Masuuliyiinta Gobolka iyo Degmadda iyo Shacabka reer Berbera ayaa Mashruucan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu hagaajinayo nolosha bulshada.
























