Kuuriyada Waqooyi oo cambaareysay weerarka Mareykanka ku qaaday Iiran

0
31

Kuuriyada Waqooyi oo cambaareysay weerarka Mareykanka ku qaaday Iiran

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa si kulul u cambaareysay weerarka Mareykanka ku qaaday xarumaha Nukliyeerka Iiraan, iyada oo ku tilmaamtay mid si cad ugu xadgudbay Axdiga Qaramada Midoobay.

 

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa ku eedeeyey lsraa’iil inay hurineyso xiisadaha gobolka, iyada oo taageero iyo dhiirigalin ka helaysa waddamada Reer Galbeedka.

 

Sidoo kale, wuxuu xusay in Kuuriyada Waqooyi ay ka xuntay in lagu xad gudbay madax-bannaanida dhuleed ee Iiraan.

 

Afhayeenka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Dunida in ay cambaareeyaan weerarka cad ee Mareykanka iyo Israa’iil.

 

 

Kuuriyada Waqooyi iyo Iran ayaa muddo dheer lahaa xiriir dhow, waxaana lagu tuhmaa in ay iska kaashadaan horumarinta tignoolajiyada ciidan.