Kamala Harris oo sheegtay in haddii ay ku guuleysato Doorashada Maraykanka ay soo gabagabeyn doonto colaadda Bariga Dhexe

0
45

Kamala Harris oo sheegtay in haddii ay ku guuleysato Doorashada Maraykanka ay soo gabagabeyn doonto colaadda Bariga Dhexe

Haweeneyda madaxweyne ku xigeenka ah Dalka Maraykanka Kamala Harris isla markaana ka socota Xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegtay in haddii ay ku guuleysato Doorashada saacadaha ka dhiman yihiin ee Dalkaas in ay soo gabagabeyn doonto colaadda ka taagan Bariga Dhexe.

Harris oo la kulantay cadaadis ka dhashay sida Xisbigeeda uu ugu fashilmay in Israa’iil uu ku qanciyo joojinta dagaalka isla markaana hubkii ugu cuslaa uu siiyay muddada sanadka ka badan dagaalkaas ka socda Bariga Dhexe ee khasaaraha xad dhaafka ah dhaliyay.


Khudbad ay jeedisay oo ay hadleysay 90 daqiiqo oo xiriir ah ayay ku dheeraatay waxyaabaha u qorsheysan haddii ay noqoto Madaxweynaha Dalka Maraykanka iyada oo maanka ku heysa colaadda xisbigeeda loo abuuray ee suuragalka ka dhigi karta in laga adkaado.

Dadka reer Michigan oo asal ahaan kasoo jeeda Carabta ayay weydiisatay codkeeda, haddii ku guuleysata xilka ay u tartameyso waxa ay wacad ugu martay in ay soo afjari doonto dagaalka ka socda Bariga Dhexe gaar ahaan Magaalada Gaza.

Kamala Harris iyo Donald Trump ayaa ku loolamaya Gobollada ilaa haatan aan la caddeyn cidda ay siinayaan codadkooda, labada Musharrax ayaa sameeyay ballanqaadyo kala duwan oo mid weliba uu u arko in uu ku heli karo codka Dadkaas.

Berri oo Talaado ah kuna beegan 5ta Nofeembar waxaa Dalka Maraykanka ka dhacaysa Doorawshada guud, waxaa jira Gobollo indhaha lagu hayo waana kuwa ugu badan ee dhinac u ridi kara natiijada ay kala heystaan Kamala Harris & Donald Trump.

La soco wixii kasoo kordha