Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu eedeeyay inay dhaqaale ku bixisay faafinta dacaayad ka dhan ah Axmed Madoobe

0
19

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Jubbaland, Maxamed Xasan Xiis ayaa ku eedeeyay madaxtooyada Soomaaliya inay dhaqaale ku bixisay sidii dayaacad iyo cay saxaafadda loogu marin lahaa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Maxamed Xasan Xiis ayaa soo xigtay qoraal uu sheegay in uu saxaafadda u diray agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdiqaadir Cali Dige, kaasoo weriyayaasha u sheegay faafinta dacaayado ka dhan ah madaxweyne Axmed Madoobe.”

“Madaxweyne ma waxaa jirta rajo aad wali ka qabto ergooyinka aad soo dirayso inay xal ka keenaan kala aragti duwananta jirta iyadoo Agaasimahaadii Warfaafinta iyo Xafiiskaagu ay Lacag ku bixinayaan cayda iyo dacaayada Madaxda aad ku casuuntay shirka madasha,” sidaasi waxaa yiri agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Jubbaland.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Jubbaland ayaa diiday aragtida doorashooyinka oo ay Villa Somalia ay u ololeyneyso qabashada doorasho qof iyo cod, iyo guddi doorasho oo mid ah, halka Axmed Madoobe uu doonayo doorasho u gooni ah.

Rajo weyn lagama qabo in mar kale dib la isugu laabto, waxaana horey u fashilmay isku day raysal wasaaraha iyo madaxweynuhu ku doonayeen inay ku qanciyaan Axmed Madoobe in uu aqbalo in doorasho midaysan uu dalku aado.

Axmed Madoobe ayaa doonaya inuu qabshado doorasho madax bannaan oo lamid ah middii Jubbaland ka dhacday sannadkii 2019. Wuxuuna ka horyimid qorshaha doorasho midaysan oo ay dowladda Federaalku saamayn ku leedahay.