Yaa leh go’aanka lagu ogolaanayo haddii Masar ay ku biireyso howlgalka cusub ee Soomaaliya?

0
30

Yaa leh go’aanka lagu ogolaanayo haddii Masar ay ku biireyso howlgalka cusub ee Soomaaliya?

La taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali Maxamuud oo ka hadlay go’aanka ku biirista Ciidamada Masaarida haddii ay doonayaan inay qayb ka noqdaan howglalka cusub ee baddelaya kan sida kumeel-gaarka ah haatan u shaqeynaya ee ATMIS ayaa sheegay in ay Soomaaliya leedahay go’aankaas.

Xuseen Sheekh Cali ayaa meesha ka saaray warar inta badan madaxda iyo saraakiisha Itoobiya ay faafiyeen oo la xiriirta in Ciidamo ka socda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar la keenay gudaha Soomaaliya, Lataliyaha ayaa ku tilmaamay hadalkaas waxba kama jiraan ama been abuur aan sal iyo raad toona lahayn.

Soomaaliya ayuu sheegay in ay u madaxbannaan tahay in ay aqbasho waddanka ku biiraya howlgalka cusub ama ay diido dalka ay rabto in laga reebo, sidaas awgeed waxa uu shaaciyay in ay soo dhaweynayaan cid weliba oo aan dhinac uga baxayn xeendaabka lagu ilaalinayo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Itoobiya ayaa marar badan baahisay warar been abuur ah oo ay ku sheegtay in Ciidamo badan oo Masaari ah ay kasoo degeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, madaxda sare Dowladda Federaalka ayaa horay u xaqiijiyay in aanay ciidda Soomaaliya joojin askar katirsan Xukuumadda.

Walaaca ugu weyn ee Itoobiya waa in ay diidan tahay heshiiska dhinaca Amniga ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Masar maadaama labadaan dal ay ku xadgudubtay Xukuumadda Addis Ababa isla markaana dooneysa in aanay u midoobin inkasta oo Muqdisho & Qaahira ay tilmaameen in danahooda gaarka ah ku heshiiyeen.