Wasiirka Warfaafinta Jubbaland: “Jubbaland lagama hago Villa Somalia. Iyadaa masiirkeeda ka talisa”
Maamulka Jubbaland ayaa muujiyay shaki iyo mugdi ku saabsan ka qeybgalka gogosha siyaasadeed ee uu fidiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, taas oo la filayo in ay qayb ka noqoto dadaallada lagu xalinayo khilaafaadka siyaasadeed ee jira.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland, Cabdifatax Maxamed Mukhtaar, ayaa sheegay in Jubbaland aysan illowsanayn mowqifkeedii hore ee ku saleysnaa madax-bannaanida maamulka, isagoo xusay in Jubbaland aysan ka ambaqaadin go’aamo uga yimaada Villa Somalia.

“Jubbaland waxay si cad uga baxday shirkii Madasha Wadatashiga 7-da Oktoobar 2024, go’aan madax-bannaan oo mas’uuliyad leh ayayna ku gaartay. Haddii Madaxweyne Xasan hilmaamay, ha la xasuusiyo. Jubbaland lagama hago Villa Somalia. Iyadaa masiirkeeda ka talisa,” ayuu yiri Wasiir Cabdifatax.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa horey usoo dhoweeyay in la isugu yimaado miis wada hadal si loo mideeyo dadaallada lagu wajahayo dagaalka Al-Shabaab, lagana shaqeeyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.
Axmed Madoobe ayaa marar badan ku celiyay in muhiim ay tahay in la helo hannaan loo dhan yahay oo lagu xaliyo khilaafaadka siyaasadeed, loona midoobo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, si loo ilaaliyo jiritaanka iyo wadajirka dalka.