Wafdi ka socda Azerbaijan oo Muqdisho soo gaaray

0
22

Wafdi ka socda Azerbaijan oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi ka socda Azerbaijan ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaa hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalkaas Yalchin Refiyev, waxaa soo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad.

Ujeedka Wafdiga Azerbaijan ee Magaalada Muqdisho si dhab ah looma ogaan, waxa ay kulamo la qaadan doonnaan Madaxda ugu sarreysa Dalka, Safiirka Dalkaas ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale sida ay wararku sheegayaan.

Mas’uuliyiinta ka socota Azerbaijan ayaa Marka ay la kulmaan madaxda sare Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u gudbin doonnaan fariinta ay uga wadaan Madaxweynaha Dalkaas Ilham Aliyev.