Donald Trump oo Gacmaha la galaya Dabkii Netanyahu uu ku gubtay ee Gaza
Madaxweynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa dib usoo kiciyay xiisadda Magaalada Gaza muddo dhow waqti laga joogo lagu qaboojiyay xabbad-joojin si la isku dhaafsado Maxaabiista Xamaas iyo Israa’iil kala heystaan.
Doanld Trump ayaa dib boogta uga qaaday Xaaladda Magaalada Gaza kaddib markii uu sheegay in uu doonayo in Maraykanka lagu wareejiyo Magaaladaas, sidoo kale ay isaga guuraan Dadka Magaaladaan, taasi waxa ay keentay xiisad cusub oo dhegaha loo taagay.
Dalal badan oo ah kuwa Carabta si gaar ah kuwii uu Trump sheegay in loo barakicin doonno Shacabka Magaalada Gaza ayaa si cad uga hor yimid qorshahaan dhul-ballaarsiga cusub ah iyada oo Magaaladaan ay weli ku nool yihiin Dadkii Yuhuudda iyo xulufadeeda ka difaacay.