Trump oo eedeyn culus kala kulmay Ninka uu u magacaabay Madaxa Sirdoonka Qaranka Maraykanka
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa si kumeel-gaar ah u biixiyay booskii ay ka tagtay Madaxii sirdonka Qaranka kaddib markii ay si toos ah uga hor timid duullaanka lagu qaaday Iiraan oo aan wadatashi fiican laga samayn.
Sheekada hadal-haynta dhalisay ayaa ah in Ninka Booskaan uu u magacaabay Madaxweyne Trump aanay weligiis kamid noqan taliska uu hoggaamin doonto, tani waxa ay dhalisay inay Dad badan ku maadaystaan maadaama aanay laga filanayn waxtar muuqda sida hadalka loo dhigay.
Waa kuma Bill Pulte oo loo magacaabay Madaxa Sirdoonka Qaranka ee Maraykanka?
Bill Pulte oo magaciisa buuxa uu yahay William John Pulte waa Ganacsade howshiisu tahay Kiraynta iyo Iibinta Guryaha, weligiis kama mid noqon Hay’adda loo magacaabay, waana 38 sano jir, waxa ay inta badan dadku ku dhaliilayaan booskaas culus ee la geeyay.
Mucaarad iyo Muxaafid ayaa si wadajir ah ula yaabay markii ay arkeen Magacaabista Madaxweyne Donald Trump ee Bill Pulte,
Waxaa loo badinayaa in uu shaqadaan ku helay shaqo uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump u qabtay oo ah in uu culays saari jiray Dadka guryaha amaahda balse siyaasad ahaan kasoo horjeeda sidaasina xilkaan loogu haddiyeeyay.
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Sirdoonka Aqalka Senate-ka, Mark Warner ayaa ku biiray Dadka ka walaacsan dhowrista sirta qaranka iyo kalsoonida lagu qabtay Hay’addaas oo qofka loo magacaabayo uu noqon jiray xeel-dheere muddo kasoo dhex shaqeeyay.























