Dagaalka Iiraan & Maraykanka oo dib u qarxay iyada oo Dalal carbeed la duqeeyay
Xaaladda Bariga Dhexe oo xasiloonayd muddooyinkii dambe waxaa dib uga qarxay dagaalka duqaymaha ah ee u dhaxeeya Maraykanka oo garab ka helaya Israa’iil iyo Iiraan oo kasoo horjeedda, waxaa meesha ka baxday xabbad-joojintii Kumeel-gaarka ahayd.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ee loosoo gaabiyo CENTCOM ayaa sheegay in ciidamada Ameerikaanka ah ay fuliyeen duqaymo uu ku sheegay in ay ahaayeen kuwo is difaacid ah kuwaas oo lagu beegsaday Qeshm Island.
Iiraan oo ka jawaabaysay duqaymahaas waxa ay beegsatay Dalalka Kuwait & Bahrain iyada oo weerarradaas u adeegsatay Diyaaradaha aan duulliyaha wadin ee Drones loo yaqaan kuwaas oo horay sidaan oo kale loogu beegsaday.























