Sirdoonka Iran oo jabsaday Xogta Saraakiisha Nuclearka Israel

0
63

Sirdoonka Iran oo jabsaday Xogta Saraakiisha Nuclearka Israel

Koox lala xiriiriyay sirdoonka Iran ayaa jabsaday xogta shaqsiga ah ee saynisyahanka nukliyeerka ee xarunta cilmi-baarista nukliyeerka Israa’iil ee Soreq iyo qaar ka mid ah saaxibbadiis.

Waxaa la baahiyay dhammaan xogtooda, halka kooxdan ay sidoo kale soo bandhigtay xogta agaasimihii hore ee wasaaradda difaaca Israa’iil.

Talaabadan ayaa ka dhigan in kooxaha weerarrada internetka qaada ee Iran inay muujinayaan awoodda ay u leeyihiin inay dhex galaan telefoonnada iyo email-ka saraakiisha sare ee Israa’iil.

Kooxaha Iran ee weerarrada intenetka (hackers) ayaa 48 saac ee la soo dhaafay weerarro culus ku qaaday Israa’iil illaa ay jabsadeen kaararka bankiyada ee deymaha lagu qaato.

Soo bandhigida xogta saynisyahan muhiim u ah barnaamijka nukliyeerka Israa’iil iyo sarkaal sare oo difaac , waxay ka dhigantahay inay Iran fulisay howlgal weyn oo dhinaca Internetka ah oo ay ku heli karto xogo muhiim ah.