Shiinaha oo Markab dagaal usoo diray Xeebaha Soomaaliya.

0
471

Shiinaha oo Markab dagaal usoo diray Xeebaha Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa markab dagaal oo noociisu yahay kuwa wax burburiya usoo dirtay Gacanka Cadmeed iyo Biyaha Soomaaliya si uu qayb uga noqdo ilaalinta maraakiibta cabsida ka qabta in ay galaan gacanta Kooxaha Burcad badeeda ah.

Markabkaan ayaa kasoo shiraacday Magaalada Suzhou si uu u billaabo howlgalkiisa galbinta Maraakiibta, waxa uu qayb ka noqonayaa Maraakiib Biyaha Soomaaliya u jooga howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda.

Guutada 41aad ee Ciidanka Badda gaar ahaan Ciidanka Xorreynta Shacabka Shiinaha (PLA) ayaa qayb ka ah safarka Markabkaan kasoo safray Magaalada Zhoushan ee dhacda Bariga Gobolka Zhejiang si uu usoo gaaro Gacanta Cadmeed & Biyaha Soomaaliya ujeedkoodu yahay.

Saraakiil katirsan Ciidanka Badda Shiinaha ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidankaan la socda Markabka ay awoodaan in ay beegsadaan markab ama doon weliba oo ay damcaan in ay burburiyaan haddii ay halis u arkaan.

Ciidankaan waxa ay wataan Gantaallada wax burburiya gaar ahaan nooca loo yaqaan 052D, Doomo dheereeya oo hub casri ah ku xiran iyo labo kamid ah Diyaaradanaha nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopters-ka oo tobaneeyo askar oo howlgal fulin kara.

Shiinaha waxaa Gacanta Cadmeed, Badweynta Hindiya iyo Biyaha Soomaaliya ka jooga Maraakiib iyo ciidan heysta ruqsad ah in ay la dagaalamayaan Kooxaha Burcad badeeda ah inkasta oo aanay jirin warbixinno sanadihii lasoo dhaafay muujinaya awoodda kooxahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here