Wednesday, September 2, 2026
Home WARAR Sacuudiga oo fududeeyay Soomaali dib looga soo celiyay Yemen

Sacuudiga oo fududeeyay Soomaali dib looga soo celiyay Yemen

0
27

Sacuudiga oo fududeeyay Soomaali dib looga soo celiyay Yemen

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo kaashanaysa Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada ee UNHCR ayaa fududeeyay safarka dib u soo celinta 154 qof oo Soomaali ah oo ku noolaa Dalka Yemen kuwaas oo diyaarad looga soo qaaday Garoonka Caalamiga ah ee Cadan.

Xarunta Gargaarka Caalamiga ah ee Boqor Salmaan ayaa shaacisay in howshaan ay fududeysay dib u soo celinta Soomaali ku nooleed Yemen balse doonaysay in dib loogu soo celiyo Dalkooda Hooyo sida lagu sheegay war lagu daabacay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA.

Dadkaan Soomaalida ah ayaa ku noollaa waddanka rabshadaha ay ka jiraan ee Yemen, waxaana arrintooda ka shiray wakiillo ka kala socday Yemen, Sacuudi Carabiya iyo Hay’adda UNHCR oo ugu dambayn sidaas howsha lagu fuliyay sida warka loo dhigay.

Yemen waxaa ku nool Soomaali badan oo qaarkood deegaan ku ah halka qaar kale ay u gaareen dalkaas sidii ay uga sii gudbi lahaayeen Xadka uu waddankaas la wadaago Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyaga oo dadkaas la kulmo dhibaatooyin kala duwan.