Ra’iisul Wasaaraha UK oo sheegay in Sababta Ukraine loo gacansiinayo ay tahay in ay ka guuleysato Ruushka.

0
204
Britain's Prime Minister Rishi Sunak (L) and Ukraine's President Volodymyr Zelensky meet during the G7 Leaders' Summit in Hiroshima on May 20, 2023. (Photo by Stefan Rousseau / POOL / AFP)

Ra’iisul Wasaaraha UK oo sheegay in Sababta Ukraine loo gacansiinayo ay tahay in ay ka guuleysato Ruushka.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak ayaa sheegay in sababta keliya loo caawinayo Dalka Ukraine in ay tahay sidii uu dalkaas uga adkaan lahaa Ruushka oo ku duullay 24kii Febaraayo 2022 isla markaana nabad uu u noqon lahaa.

Sunak ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay garab-taagan tahay Kyiv isaga oo tilmaamay in go’aanka ku dhaliyay tallaabadaas ay tahay in laga dhiidhiyo ‘weerarka gardarrada ah’ ee Ruushka uu ku qaaday.

Madaxweynaha Ukraine Volodymr Zelensky ayuu u sheegay in marweliba ay garabtooda taagan yihiin illaa inta ay jebinayaan Ciidamada Ruushka oo nabadda dalkaas dib ugu soo laabaneysa waa sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu soo hadal qaaday goobta ugu muhiimsan ee weerarka adag uu ka socdo ee Bakhmut waxa uu sheegay in duullaankaas Ruushka uu bannaanka soo dhigay awoodda uu rabo in uu ku maquuniyo ciidamada hortaagan.

Madaxweynaha Volodmyr Zelensky ayaa safarro kala duwan oo is xig-xigay ku tegay waddamada Ingiriiska, Finland, Talyaaniga, Jarmalka, Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Japan oo dhammaan uu weydiistay garab istaag buuxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here