Sunday, September 6, 2026
Home WARAR Qaar kamid ah dalalka Reer Galbeed oo bixinaya dhaqaale dib loogu dhiso...

Qaar kamid ah dalalka Reer Galbeed oo bixinaya dhaqaale dib loogu dhiso magaalada Qasa

0
234

Qaar kamid ah dalalka Reer Galbeed oo bixinaya dhaqaale dib loogu dhiso magaalada Qasa

Ururka Iskaashiga Islaamka iyo dhowr waddan oo Yurub ah ayaa taageeray qorshaha dib u dhiska Qasa oo muddo 15 bilood ah ka socdeen dagaallo.

 

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa si wadajir ah u sheegay inay taageerayaan qorshaha dib u dhiska Qasa, kaasoo ay ku baxayso lacag dhan $53b.

 

“Qorshaha wuxuu qeyb ka qaadanaya dib u dhiska Qasa, sidoo kale in niyada loo dhiso bulshada Falastiiniyiinta ee dhibaatooyinka wajahay 15 kii bilood ee la soo dhaafay.” ayaa lagu yiri bayaanka.

 

Qorshaha dib u dhiska Qasa ayaa waxaa soo diyaariyay Madaxda dalalka Carabta, waxaana qeyb ay ka tahay dadaallada lagu caawinayo Shacabka magaaladaasi.