Qaar kamid ah dalalka Reer Galbeed oo bixinaya dhaqaale dib loogu dhiso magaalada Qasa
Ururka Iskaashiga Islaamka iyo dhowr waddan oo Yurub ah ayaa taageeray qorshaha dib u dhiska Qasa oo muddo 15 bilood ah ka socdeen dagaallo.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa si wadajir ah u sheegay inay taageerayaan qorshaha dib u dhiska Qasa, kaasoo ay ku baxayso lacag dhan $53b.
“Qorshaha wuxuu qeyb ka qaadanaya dib u dhiska Qasa, sidoo kale in niyada loo dhiso bulshada Falastiiniyiinta ee dhibaatooyinka wajahay 15 kii bilood ee la soo dhaafay.” ayaa lagu yiri bayaanka.
Qorshaha dib u dhiska Qasa ayaa waxaa soo diyaariyay Madaxda dalalka Carabta, waxaana qeyb ay ka tahay dadaallada lagu caawinayo Shacabka magaaladaasi.