Putin Oo Wacad Ku Maray Inuu Dhul Hor Leh Weerari Doono Haddii Reer Galbeedku Ay Hub U Soo Diraan Ukraine
Dowladda Ruushka waxa ay ballaarin doontaa weerrarka ay ka waddo gudaha waddanka Ukraine haddii dalalka reer Galbeedka ay hubka ridada fog u soo diraan, madaxweyne Vladimir Putin ayaa sidaasi sheegay.
Digniinta ayaa imanaysa xilli Axaddii qaraxyo ay gilgileen qeyba ka mid ah magaalada Kyiv, taas oo ah weerrarkii ugu horreeyay ee caasimadda lagu qaado muddo todobaadya ah.
Ruushka ayaa sheegay inuu bartilmaameedsaday taangiyo ay soo dhiibeen dalal reer Yurub ah. Ukraine-se waxa ay sheegtay in goobtaasi ay aheyd warshad lagu dayactiro khadadka tareennada.
Caasimadda ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay duqeymo aanan badneyn kaddib markii Ruushka uu dedaalladiisa isugu geeyay gobolka Donbas.
Xilli Ruushka uu halkaas – boqollaal kiilomitir oo bariga ku yaal – ka samaynayo horumar gaabis ah balse sugan ayaa dhowr dal waxa ay ku yabooheen inay Kyiv u diri doonaan hub casri ah.
Dhawaan ayey aheyd markii Mareykanka uu ku dhawaaqay inuu hannaanka gantaallada ee sare ee HIMARS uu Ukraine u diri doono, hubkaas oo ka kooban gantaallo la hago kuwaas oo garaaci kara bartilmaameed 70km ka fog meesha ay yaallaan, hubkaas oo gaari kara wax ka badan inta ay gaaraan aartelariga ay haatan Ukraine haysato.