Masar oo dadaal xooggan ugu jirta sii deynta badmaaxiinteeda lagu haysto xeebaha Soomaaliya
Masar ayaa sheegtay inay si dhow ula shaqaynayso mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Yemen si loo sii daayo badmaaxiin Masaari ah oo saarnaa markabka xamuulka qaada ee MT Eureka, kaas oo lagu afduubtay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegtay in wasiirka arrimaha dibadda, Badr Abdelatty, uu amray in si maalinle ah loola socdo xaaladda, isagoo faray safaaradda Masar ee Muqdisho inay xiriir joogto ah la yeelato dhammaan hay’adaha ay khusayso ee Soomaaliya si loo dedejiyo sii deynta shaqaalaha markabka.
Sidoo kale, Masar waxay sheegtay inay dadaal ku bixinayso in badmaaxiinta lagu hayo xaalad nololeed oo wanaagsan inta ay weli saaran yihiin markabka. Safaaradda Masar ee Muqdisho ayaa sidoo kale xiriir u samaysay badmaaxiinta iyo qoysaskooda si loogu xaqiijiyo inay nabad qabaan.
Dhanka kale, safaaradda Masar ee Riyadh, oo u qaabilsan xiriirka dowladda Yemen, ayaa loo xilsaaray inay la xiriirto mas’uuliyiinta Yemen iyo milkiilaha markabka si loo dedejiyo dadaallada lagu sii deynayo shaqaalaha markabka loona ilaaliyo xaaladdooda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sidoo kale sheegtay inay si joogto ah ula kulmi doonto qoysaska badmaaxiinta la afduubtay si loogu wargeliyo horumarka laga gaarayo dadaallada dowladda ee lagu doonayo in lagu sii daayo.
Markabka MT Eureka, oo sita calanka Comoros, ayaa la afduubtay dabayaaqadii bishii Juun 2026 xilli uu marayay biyaha u dhow xeebaha bari ee Soomaaliya. Wararka ayaa tilmaamaya in kooxo hubeysan ay markabka u kaxeeyeen meel u dhow xeebta, halkaas oo uu weli ku xayiran yahay.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar, markabka waxaa saaran 22 shaqaale ah, kuwaas oo ay ku jiraan 21 muwaadin oo Masaari ah iyo hal muwaadin oo u dhashay Itoobiya. Dowladda Masar ayaa sheegtay inay mudnaanta siinayso sidii shaqaalahaasi si nabad ah lagu sii deyn lahaa.
























