Khasaaro Farabadan Oo Ka Dhashay Dabkii Ka Kacay Goobo Ganacsi Oo Ku Yaal Muqdisho

0
428

Waxaa saqdii dhexe ee xalay lagu guuleystay deminta dabkii ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaallay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho, waxaana dabka uu geystay khasaaro hantiyadeed oo aad u farabadan, ayna burbureen Xarumihii Ganacsiga.

Dabka oo socday saacado dhowr ah ayaa markii hore ka bilowday makiinad Saliid, kadibna waxaa dabka oo ahaa mid aad u xoogan uu kusii faafay goobo kale oo Ganacsi oo ku yaalla Isgoyska Banaadir, iyadoona markii dambe lagu geystay deminta dabka.

Muuqaalo iyo Sawirro laga soo qaaday goobaha gubtay ayaa muujiyay baaxada uu lahaa dabkii xalay ka kacay Suuqa, waxaana deminta dabka ka qeyb qaatay Waaxda dab demiska Maamulka G/Banaadir, gaadiidka dab demiska ee Sharkaddaha Isgaarsiinta iyo dadweyne farabadan oo isku tegay goobta.

HomeWarar
Khasaaro Farabadan Oo Ka Dhashay Dabkii Ka Kacay Goobo Ganacsi Oo Ku Yaal Muqdisho
On May 20, 2022 Last updated May 20, 2022

Share
Waxaa saqdii dhexe ee xalay lagu guuleystay deminta dabkii ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaallay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho, waxaana dabka uu geystay khasaaro hantiyadeed oo aad u farabadan, ayna burbureen Xarumihii Ganacsiga.

Dabka oo socday saacado dhowr ah ayaa markii hore ka bilowday makiinad Saliid, kadibna waxaa dabka oo ahaa mid aad u xoogan uu kusii faafay goobo kale oo Ganacsi oo ku yaalla Isgoyska Banaadir, iyadoona markii dambe lagu geystay deminta dabka.

Muuqaalo iyo Sawirro laga soo qaaday goobaha gubtay ayaa muujiyay baaxada uu lahaa dabkii xalay ka kacay Suuqa, waxaana deminta dabka ka qeyb qaatay Waaxda dab demiska Maamulka G/Banaadir, gaadiidka dab demiska ee Sharkaddaha Isgaarsiinta iyo dadweyne farabadan oo isku tegay goobta.

RELATED POSTS
Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Baladweyne

May 20, 2022
Dhageyso:-Warka Subaxnimo Ee Radio Dalsan 20/05/2022

May 20, 2022
Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 19/05/2022

May 19, 2022
Qaar kamid ah Ganacsatada lahaa goobaha gubtay oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay dabka uu baabi’iyay goobo Ganacsi badan oo ku yaallay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho, isla markaana gebi ahaan ay ku gubteen hantidii taallay goobaha.

Sidoo kale dabka ayaa waxaa waxyeelo dhaawacyo ah kasoo gaareen qaar kamid ah shaqaalaha demiska oo la sheegay inuu dabka gaaray, inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa xalay laga arkayay qolaca iyo qaac madow oo Cirka isku shareeray.

Maamulka Gobolka ayaan faah faahin rasmi ah ka bixin khasaaraha hantiyadeed ee uu geystay dabkii xalay ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaallay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho, waxaana dabka uu ka dhashay koronto ku jirtay makiinad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here