Xafiiska Google ee Ruushka oo musalafay.

0
473

Xafiiska Google ee Ruushka oo musalafay.

Xafiiska Shirkadda Google ee Ruushka ayaa musalafay kaddib markii uu awoodi waayay in uu bixiyo dhaqaalaha ku baxaya Mushaharaadka Shaqaalaha, agabka uu adeegsado iyo dhammaan lacagihii ku baxayay.

Shirkadda Google ayaa sheegtay in albaabada la isugu dhuftay Xafiiska maadaama uu majaha la galay dhaqaale xumo baahsan oo saameyn taban ku reebtay in uu sii shaqeeyo, halkii deyn badan uu geli lahaa go’aankaas la qaatay.

Warbaahinta Ruushka ayaa soo dusisay xog hoose oo muujineysa in Shirkaddaan laga leeyahay Mareykanka ay dirtay qoraal ay ku caddeyneyso dhibaatada dhaqaale ee gaartay wixii ka dambeeyay dagaalka Ruushku ku qaaday Ukraine.

Ruushka ayaa la wareegay dhammaan lacagihii Bangiga Dowladda u yaallay Shirkadda Google oo ay ku dabareysay Mushaharka Shaqaalaha, Adeegyada uu xafiiska isticmaalo iyo wax weliba oo lacag uga baahda.

Shirkadda Google ayaa warsaxafadeed ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in maamulka Ruushka uu la wareegay lacagaha Xafiiskooda ee yaallay Bangiga Dhexe, taasi waxa ay keentay in uu xafiiskaan joojiyo shaqadii uu hayay.

Dagaalka siyaasadeed ee Mareykanka iyo Ruushka ayaa saameyn taban ku reebay Ganacsiga iyo dhaqaalaha labada Dowladood, Washington ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay dhiggeeda Moscwo halka tallaabo aan ka yareysan Ruushka uu ku qaaday Mareykanka.

Khilaafka labada Dowladood ayaa xooggeystay wixii ka dambeeyay 24-Febaraayo-2022 oo ku beegan maalintii Ruushka uu weerar toos ah ku qaaday waddanka xad-wadaagga ay yihiin ee Ukraine oo garab ka heleyso Washington iyo dalalka xulufeysanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here