Dowladda Ruushka Oo Lagu Eedeeyay Inay Cuntada U Adeegsaneyso Sida Hubka Dagaalka

0
386

Dowladda Ruushka Oo Lagu Eedeeyay Inay Cuntada U Adeegsaneyso Sida Hubka Dagaalka

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ku eedeeyay Ruushka in ay cunnada u adeegsnayao sida hubka dagaalka.

Moscow ayaa waxay go’doomisay dekedaha ku yaal Badda Madow ee Ukraine; waxa ay sheegtay in ay ogolaan doonto oo kaliya dhoofinta qamadiga iyo raashinka kale kale ee muhiimka ah ee cuntada waa hadii laga qaado cunaqabataynta caalamiga ah.

Mr Blinken ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in Ruushka uu si ula kac ah uga sii darayo dhibaatada cunnada ee sii kordheysa ee caalamka.

Waxa uu sheegay in Ruushka uu doonayo inuu xado qalabka beeraha reer Ukraine, iyo in uu dabin u dhigo maraakiibta sahayda ka buuxaan.

Waxa uu sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu leeyahay mas’uuliyad gaar ah oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka hadda jira, wuxuuna ugu baaqay dalalka Qaramada Midoobay inay cadaadis ku saaraan Ruushka inuu joojiyo in cuntada uu adeegsado sida hubka oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here