Idaacadda Ciidanka Xoogga Dalka oo baahisay in howlgal lagu dhaawacay Afhayeenkii Al Shabaab Cali Dheere
Idaacadda Ciidanka Xoogga Dalka ee SNA ayaa waxay tebisay in howlgal ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose lagu dhaawacay Afhayeenkii Guud ee Ururka Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).
Idaacadda ayaa sheegtay in Afhayeenka Al Shabaab lagu dhaawacay howlgalkan oo ka dhacay deegaanka Shaam, oo ku yaala inta u dhaxeyso Awdheegle iyo Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Howlgalkan oo Axadii dhacay ayaa sababay iska horimaad dhexmaray Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab, oo sida la sheegay galbinaayay gaadiid uu la socday Cali Dheere.
SNA ayaa sheegtay in howlgalkaasi lagu dilay 17 ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, halka ay Ciidanka Xoogga Dalka ku dhaawaceen 10 kale oo uu ka mid yahay Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).
Saraakiil ka tirsan Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Radio Kulmiye ee Magaalada Muqdisho u sheegay in dhaawaca soo gaaray Cali Dheere uu yahay mid halis ah.
Sida ay sheegtay SNA dhaawaca Cali Dheere ayaa waxaa lagula cararay deegaan hoos-tagga Degmada Kunturwaarey ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Ururka Al Shabaab oo ka hadlay howlgalka ka dhacay deegaanka Shaam ayaa waxay dhankoodu sheegeen inay ku dileen 10 ka mid ah Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, balse wax faah faahin kama aanay bixin dhaawaca la sheegay inuu soo gaaray Cali Dheere.