Home WARAR Hillary Clinton “Maraykanku ma ahayn in uu is hor istaago mas’uuliyiinta ka...

Hillary Clinton “Maraykanku ma ahayn in uu is hor istaago mas’uuliyiinta ka qaybgalaysa Koobka Adduunka maadaama uu yahay Martigeliye”

0
72

Hillary Clinton “Maraykanku ma ahayn in uu is hor istaago mas’uuliyiinta ka qaybgalaysa Koobka Adduunka maadaama uu yahay Martigeliye”

Waxaa marba marka ka dambaysa sii kordhaya Dadka Cambaaraynaya isla markaana dhaleecaynaya go’aanka Dowladda Maraykanka ay ku diiday in uu Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan galo Dalkaas si uu qayb uga noqdo Koobka Adduunka 2026.

Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Dalka Maraykanka ahna Musharraxaddii la tartantay Donald Trump waqti xileedkiisii hore, waa Hillary Clinton ayaa meel fog ka istaagtay go’aanka dalkeeda uu ku hor istaagay Garsoore Cumar Cartan.

Dood ayay ka keentay sababta keeni karta Maraykanka oo ah martigeliye in uu haddana hor istaago martida sida sharciga ah ku tagtay Dalkaas maadaama hannaan sharci ay ku heleen Dal ku galka Dalkaas sida ay ku dooddooda ku xoojisay.

“Maraykanka oo ah martigeliye ma ahayn in uu is hor istaago mas’uuliyiinta ka qaybgalaysa Koobka Adduunka, tani waxa ay caddaynaysaa caqabadasha xiriirka kala duwan waana dib u dhac wayn” Ayay tiri Xoghayihii hore ee Dalka Maraykanka, Hillary Clinton

Maraykanka ayaa ceeb iyo fadeexo kala kulmay tallaabooyinka ka dhanka ah Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, Ciyaartoy u dhashay Dalalka qaar, Suxufiyiin iyo shaqsiyaad kale oo si aan wanaagsanayn uu dalkaas ula dhaqmay halka qaar kale uu dib ugu celiyay Dalalkooda.