Saturday, August 15, 2026
Home WARAR Dowladda Mali oo xaqiijisay in 82 Askari oo afduub looga haystay loo...

Dowladda Mali oo xaqiijisay in 82 Askari oo afduub looga haystay loo soo daayay

0
26

Dowladda Mali oo xaqiijisay in 82 Askari oo afduub looga haystay loo soo daayay

Dowladda Mali ayaa xaqiijisay in ay dib u heshay 82 askari oo horay uga afduubteen kooxaha hubaysan ee kasoo horjeeda, waxaa jira warar sheegaya in Xukuumadda Bamako ay shaacisay in caafimaadkoodu uu wanaagsan yahay.

Teleefishinka Mali aya laga sii daayay muuqaalka askartaan oo muddo gacanta ugu jiray kooxaha hubaysan ee kasoo horjeeda, kuwaas oo ugu dambayn dib ugu laabtay ciidankii ay katirsanaayeen sida hadalka loo dhigay.

Mali ayaa wajahaysa dagaal culus oo ay ku hayaan kooxaha hubaysan ee dowladda kasoo horjeeda kuwaas oo saamayn taban ku reebay amniga iyo dalxiiska dalkaas ee dhaqaalaha badan kasoo gali jiray.