Trump oo sheegay in Maraykanku joojiyey qaabilaadda qaxoontiga ka imanaya Soomaaliya
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in maamulkiisu joojiyey qaabilaadda qaxoontiga ka imanaya Soomaaliya, isaga oo hadalkaas ka jeediyey isu-soo-bax siyaasadeed oo ka dhacay magaalada Mobile ee gobolka Alabama.
Trump oo ka hadlayay siyaasadda socdaalka ayaa sheegay in dhammaan qaabilaadda qaxoontiga Soomaaliya la hakiyey, isaga oo ku tilmaamay Soomaaliya “meel qurux badan oo khatar ah”, balse sheegay in aanay qaxoonti ka imanaya dalkaasi soo geli karin Maraykanka.
“Waxaan joojinay dhammaan qaabilaadda qaxoontiga ka imanaya Soomaaliya… Halkan Soomaaliya kama rabno,” ayuu Trump ku sheegay khudbaddiisa.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliya98% ay shaqo la’aan yihiin, isaga oo Soomaalida ku eedeeyey inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan ama “khiyaameeyaan” Maraykanka. Trump muu soo bandhigin il tirakoob oo sax ah, oo uu xogta kasoo qaatay.
Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli maamulkiisa uu si weyn u adkeeyey siyaasadda qaxoontiga iyo socdaalka. Dowladda Maraykanka ayaa muddadii Trump xafiiska joogay hakisay guud ahaan barnaamijka qaabilaadda qaxoontiga, iyadoo siyaasadda hadda jirta ay si weyn u mudnaanta siinayso qaxoontiga Afrikaners-ka Koonfur Afrika.
Trump ayaa horey dhowr jeer Soomaalida ula xiriiriyay baaritaannada musuqmaasuqa ee ka socda gobolka Minnesota. Maamulka Trump ayaa sheegay in baaritaannada musuqmaasuqa barnaamijyada gargaarka bulshada ee Minnesota ay ku lug leeyihiin xatooyada balaayiin dollar, halka warbixinno madax-bannaan ay tilmaameen in qaddarka si dhab ah loo xaqiijiyey uu ka hooseeyo tirooyinka uu madaxweynuhu sheegay.
Dowladda Maraykanka ayaa, si kastaba, dacwado dhowr ah oo musuqmaasuq ah ka gudbisay shaqsiyaad Soomaali ah oo ku nool Minnesota, kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyey inay lunsadeen lacago loogu talagalay barnaamijyada adeegyada bulshada. Tusaale ahaan, Waaxda Caddaaladda Maraykanka ayaa sheegtay in kiiska Feeding Our Future uu ku lug leeyahay eedeymo la xiriira malaayiin dollar oo laga lunsaday barnaamijyada cuntada carruurta.
Hadallada Trump ayaa sidoo kale imanaya xilli siyaasaddiisa socdaalka ay si gaar ah u saameynayso Soomaalida ku nool Maraykanka, gaar ahaan Minnesota oo ay ku nool yihiin tiro badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas.























