Saturday, October 3, 2026
Home WARAR RW Hindiya oo la hadlay Kabtankii lagu dhex dhaawacay Fly Dubai iyada...

RW Hindiya oo la hadlay Kabtankii lagu dhex dhaawacay Fly Dubai iyada oo xogo badan la helay

0
28

RW Hindiya oo la hadlay Kabtankii lagu dhex dhaawacay Fly Dubai iyada oo xogo badan la helay

Kabtankii duullinayay Diyaaradda Flydubai FZ1073, Captain Smit Machchhar oo la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Hindiya, Narendra Modi ayaa la wadaagay sida uu u dhacay dagaalkii uu la galay caawiyihiisa koowaad ee sababay in uu dhaawac soo gaaro.

Captain Smit Machchhar ayaa sheegay in ay is khilaafeen Ninka magaciisa iyo xogtiisa la qariyay ee u dhashay Cummaan, waxyar kaddib iyaga oo kuwa jira qaybta duullinta diyaaradda uu Mindi ku dhuftay halkaasina uu kasoo gaaray dhaawac uu la dhacay.

Smit ayaa intaas ku daray in diyaaradda oo hawad ku jirtay in arrintaan ay dhacday, markii uu arkay diyaaraddii oo si xad dhaaf ah dhulka ugu sii soconaya uu furay albaabkii u xirnaa markaas oo uu gurmad ka helay caawiyeyaashii diyaaradda iyo qaar kamid ah rakaabka.

Waxa uu tilmaamay in diyaaradda laga gaaray inta aysan dhulka ku dhicin iyada oo ugu dambayn uu soo baxay go’aan degdeg ah oo ah in laga dejiyo Sacuudiga halkaas oo daryeel Caafimaad loogu sameeyay inkasta oo Imaaraatka dib loogu celiyay.

Baarista kiiskaan ayaa la qariyay, Ninkii mindida ku dhuftay Captain Smit Machchhar ayaa lagu hayaa Sacuudiga, waxaana la sheegay in 8-9 bil oo keliya uu la shaqeynayay shirkaddaan diyaaradaha Imaaraatka Carabta ee Flydubai.

Kiiskaan waxaa baaristiisa ku howlan khubarro ka kala socda Sacuudiga, Imaaraatka, Israa’iil, Cummaan iyo Hindiya waxaana la sugayaa in ay natiijo kasoo saaraan si dadkii halista naftooda gashay ay u helaan macluumaad ay ku qanci karaan.