Dibadbaxyo rabshado wata oo ka socda Magaalada Belgrade ee Caasimadda Serbia
Magaalada Belgrade ee Caasimadda Serbia waxaa ka socda dibadbaxyo xooggan oo ay wadaan daraasiin dad ah oo Dowladdooda ku eedeeyay in ay ku dhaqaaqday Musuq, waxaana ay dalbadeen doorashooyin waqtigooda laga soo horumariyay.
Booliiska ayaa Dadka u adeegsanaya awood weliba uu lagu xakamayn karo si loo kala eryo maadaama dadkaas ay tuuryo ku samaynayaan ciidamada ammaanka, sawirrada qaar waxaa ka muuqday Dad si toos ah u beegsanaya ciidamada.
Ciidamada Ammaanka ayaa xiray qaar kamid ah Dadka dibadbaxa rabshadaha wata kawada Magaalada Belgrade ee Caasimadda Serbia, inkasta oo ay weli jiraan Dad ku howlan dibadbaxaas sida ay ku warrameen ilo kala duwan.























