DEG DEG : Maxkamada Gobalka Maroodi-Jeex Oo Go,aan Ka Soo Saartey Xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees
Hargeysa (Dalmar-News):- Maxkamada Gobalka Maroodi Jeex ayaa waxaa ay saaka go,aan ka soo saartey Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ay xabsiga dhigtey isla markaana xidhnaa Muddo 42 cisho
Maxkamada ayaa saaka ku dhawaaqdey in Abwaan Cabdiraxmaan Abees ay ku weyday dhamaan eedeymaha iyo danbiyada ay xeer ilaalintu ku soo oogtey isla markaana ay dib xoriyadiisa ugu soo celisay
Xukunka Maxkamada ayaa waxaa racfaan ka qaatey Xeer ilaalinta Somaliland oo iyadu danbiga ku soo oogtey