Dawladda Koonfurta Suudaan Iyo Kooxaha Fallagaada Oo Heshiis Wada Gaadhay

0
624

Dawladda Koonfurta Suudaan Iyo Kooxaha Fallagaada Oo Heshiis Wada Gaadhay

(DLN-Jubba)-Dowladda Koonfurta Suudaan iyo fallaagada ayaa kala saxiixday heshiis dhanka amniga ah oo lagu doonaya in xabad joojin waarta laga dhaqan geliyo dalkaasi.

Heshiiska dhawaan ay wada gaareen madaxaweynaha Koonfurta Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar ayaa dhigayay in xabad joojin lagu tallaabsado.

Heshiiska ka socday caasimadda Suudaan ee Khartoum waxaa laisgu afgartay in labada dhinac ay ciidamadooda ay ka saaraan magaalooyinka si colaadda loo joojiyo.

Waxay sidoo kale ku heshiiyeen mucaaradka iyo dowladda in xabsiga laga sii daayo maxaabista u xiran dagaalka.

Maanta ayaa la filaya in madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu u fidiyo gogol dhincayada South Sudan si ay u kala saxiixdaan heshiis dhanka awood qaybsi ah.

Waxaa jiray heshiisyo kale oo ay horraan wada gaareen mucaaradka iyo dowladda Koonfurta Suudaan oo aanan la dhaqan gelinin.

Ku dhawaad shan sanno ayay dagaallo ka jiraan South Sudan kaaso barakiciyay malaayin shacab ah halka tobbonaan kun oo qof ay ku dhinteen.

Hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar iyo madaxweyne Salva Kir ayaa dhawaan heshiis ku kala saxiixday magaalada Khartoum waxaana goob joog ka ahaa madaxweyne Cumar Xasan Al -Bashiir.

Heshiiskan wuxuu ka qayb yahay dadaalka ay wadaan hoggaamiyeyaasha dalalka bariga Afrika oo ay ku doonayaan in xabad joojin laga hergeliyo dalka Koonfurta Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here