
QM oo Israa’iil usoo jeedisay in ay xayiraadda ka qaado Falastiin
Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres oo ka hadlay munaasabadda loogu magac daray “Maalinta Wadajirka ee Shacabka Falastiin” ayaa Israa’iil usoo jeediyay in ay joojiso dhibaatooyinka ay ku hayso Falastiiniyiinta sida beegsiga, Boobka iyo go’doominta dadkaas.
Antonio Guterres ayaa arrin aan la hilmaami karin ku tilmaamay dhismaha Dowlad ay leedahay Falastiin oo aysan faragelin karin Israa’iil sidoo kalena loo madaxbanneeyo Dhulkeeda iyo ka tashiga aayaheeda sida uu ku dooday Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo fariintaan soo gudbiyay.
“Xalka Nabadda Bariga Dhexe waa in la dhiso Dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin oo awood buuxda leh, ilaalinta madaxbannaanida iyo Wadajirka Falastiin waa dhabbaha lagu gaarayo Xasiloonida Gobolka” Sidaasi waxaa yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres.
Waa uu sii hadlay Xoghaye Guterres waxaana uu carrabka ku dhuftay in aanay nabad la heli doonin ilaa inta laga helayo Dowlad Falastiin ka dhisan oo dusha saarata wax u qabashada Shacabka sidoo kalena ay Israa’iil joojiso faragelinta xadgudubka ah oo ay ku hayso Shacakaas.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa marar badan soo jeediyay wax ka qabashada go’doonka Israa’iil ay gelisay Shacabka Falastiin taasi oo ka dhalatay Xaalado bani aadamnimo maadaama aanay jirin gurmad u gudbay in ku dhaw 5 Milyan oo qof oo si gaar ah ugu nool Magaalada Gaza.























