Dal Yurub kuyaalla oo maanta si rasmi ah uga mid Noqonaya Gaashaanbuurta NATO

0
116

Dal Yurub kuyaalla oo maanta si rasmi ah uga mid Noqonaya Gaashaanbuurta NATO

Waxaa maanta oo Talaado ah la filayaa in dalka Finland si rasmi ah uga mid noqdo dalalka ku bahoobay isbaheysiga NATO, kaddib markii ay buuxiyeen shuruudihii lagu xiray sidoo kale oggolaadeen dalalka ku bahoobay NATO.

Xoghayaha guud ee gaashaan-buurta NATO, Jens Stoltenberg, ayaa shaaciyay in Finland ay Talaadada maanta ku biiri doonto isbahaysiga,Finland ayaa codsiga ku biirista isbahysigan gudbisay bishii May ee sannadkii hore.

Stoltenbarg ayaa sheegay in ku biirista isbaheysiga NATO dalka Finland ka dhigi doonto dal xasiloon isla markaana ay xoojin doonto isbanahaysigooda, waxa uuna xusay in ay Filnad NATO kusoo dari doonto ciidamo milatari ah oo si heer sare u tababaran.

Xoghayaha guud ee NATO ayaa sheegay inuu si wanaagsan ugu qanacsan yahay in Sweden ay sidoo kale xubin ka noqon doonto isbahaysiga NATO, taasina ay mudnaanta koowaad ugu jirto inay hirgasho.

Dowladda Turkiga ayaa oggolaatay in dalka Finland xubin buuxa ka noqdo isbahaysiga NATO, waxa ay sidoo kale Turkiga diideen in isbaheysigan kusoo biiro dalka Sweden oo hal mar codsiga ku biirista NATO soo wada gudbiyeen dalka Finland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here