Dagaal culus oo xalay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray duleedka Balcad

0
656

Dagaal culus oo xalay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray duleedka Balcad

Ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay ku dagaalamay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo dagaalkii xalay uu socday muddo saacad ku dhow.

Sida wararka ay sheegayaan dagaalka ayaa bilowday, kaddib markii Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidanka xoogga dalka ku lahaayeen duleedka Balcad.

Dadka deegaanka Balcad ayaa sheegaya in rasaasta iyo hubka la isu adeegsanayay si aad ah looga maqlayay xaafadaha degmada Balcad.

Saraakiil ka tirsan Maamulka degmada Balcad ayaa sheegay inay iska caabiyeen dagaalamayaashii Al-Shabaab ee xalay weerarka ku soo qaaday duleedka Balcad.

Degmada Balcad oo Muqdisho u jirta 30KM, ayaa waxaa ku soo noq-noqday weerarada Al-Shabaab ku soo qaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here