Dagaal 30 askari looga dilay ciidanka Syria oo ka dhacay

0
40

Dagaal 30 askari looga dilay ciidanka Syria oo ka dhacay


HomeNEWSDagaal 30 askari looga dilay ciidanka Syria oo ka dhacay..
NEWS
Dagaal 30 askari looga dilay ciidanka Syria oo ka dhacay..
by Caydiid AliMarch 7, 20250
SHARE0
Stunned by thousands of storks flying over the sky in Gia Viễn dike, Ninh Bình – Nếm TV


In ka badan 30 askari oo ka tirsan ciidamada Suuriya ayaa lagu dilay weerarro ay fuliyeen kooxo daabacsan nidaamkii la riday ee Bashar Al-assad kuwaasoo ka dhacay deegaanno hoostaga gobolka xeebta ee Latakiya iyo Jableh.

Ciidan dheerad ah ayay dawladda Suuriya geysay goobaha ay weerarrada ka dhaceen oo sidoo kale lagu arkay diyaaradaha qumaatiga u kaca

Saldhigyada ciidanka Ruushka ee halkaaS ku yaala ayaa iyana ku wargeliyeen dawladda Suuriya inay diyaar u yihiin weerarro cirka ah iney fuliyaan, haddii kooxahan ay sii wadaan weerarrada ka dhanka ah ciidanka Suuriya.

Dhinaca kale, Ruushka ayaa isku diyaarinaya inuu heshiis malaayiin dollar ah la galo dawladda Suuriya , si ay u sii shaqeeyaan saldhigyada uu ku leeyahay gudaha Suuriya.